Madaxweyne ku xigeenka JSL Oo Ka Qeyb-galay Munaasibada Sagootinta Arday Deeq Waxbarasho Ka Helay Taiwan

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qeyb-galay munaasibad loo qabtay sagootinta Arday reer Somaliland ah oo deeq Waxbarasho ka helay dalka Taiwan, munaasibadan oo ay goob-joog ka ahaa Safiirka dalka Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, gudoomiyaha guddida tacliinta sare, wasiiro, maayarka caasimada, xildhibaano, agaasimeyaal guud iyo masuuliyiin kale.
Waxaanu madaxweyne ku xigeenku uga mahadceliyey Taiwan deeqda waxbarasho ee ay siiyeen Ardayda Somaliland, sidoo kalena waxa uu xusay in safaaradda Somaliland ee Taiwan ay muddadii ay waddanka joogtay samaysay waxqabad ballaadhan.

May be an image of 1 person, standing and indoorMay be an image of 4 people and people standingMay be an image of 3 people, people sitting and indoorMay be an image of indoorMay be an image of 1 person, standing and indoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker