Manchester City oo ku guuleysatay horyaalka EPL

 

 

 

 

 

Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League kaddib marki ciyaateedi ugu danbeysay ay 4-1 uga badisay kooxda Brighton Axadi shalay.

City waxay hal dhibic oo qura uga qaaday horyaalka kooxdi kusoo xigtay ee Liverpool oo iyana shalay 2-0 ugu awood sheegatay naadiga Wolves. City waxay ururusatay 98 dhibcood, halka Liverpool ay xilli ciyaareedkan ka heshay horyaalka 97 dhibcood, taasoo ka dhigtay kooxdi ugu horreysay taariikhda horyaalka Ingiriiska oo kaalinta labaad ku dhameysata dhibco intaasi la eg.

Tababaraha Manchester City oo guushani ay u tahay markiisi labaad oo isku xigta oo uu Manchester City u qaadayo horyaalka Ingiriiska, ayaa sheegay in horyaalkani uu ahaa kiisi ugu adkaa ee uu abid qaado.

Wuxuu sheegay in si uu u qaado horyaalkani ay kalliftay inuu wada badiyo 14-ki kulan ee ugu danbeeyay ee ay ka ciyaareen horyaalka Ingiriiska, taasoo aheyb mid adag buu yiri.

Liverpool ayaa marna hogaanka qabanaysay marna Man City, labaduba tan iyo bilowgi sanadkaan wax dhibca ah iskama qasaarin.

Dhanka kalana, laacibiinta kala ah, Mohamed Salah, Sadio Mane oo u wada ciyaara kooxda Liverpool iyo weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku wada guuleystay abaalmarinta kabta dahabiga ah ee laacibka ugu goolasha badan sannadkaan horyaalka Ingiriiska, kaddib marki ay kulligood waxa dhaliyeen 22 gool.

Mane isagu ciyaarii Liverpool ee shalay ayuu dhaliyay labada gool ee ay uga badiyeen Wolves, halka Pierre-Emerick Aubameyang uu isna dhaliyay laba kamida 3-di gool ee ay ay Arsneal Axadi ku garaacday Burnley.

Goolhayihi ugu fiicnaa iyo daafaci ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkan horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa la siiyay labo laacib oo u ciyaara Liverpool kuwaas oo kala ah Virgil van Dijk oo difaaca ka ciyaara iyo goolhaye Alisson.

Kooxaha kale ee safka hore ee Ingiriiska sida Chelsea oo ku dhameysatay kaalinta saddexaad iyo Tottenham oo xiratay kaalinta afraad ciyaarihi ay shalay dheeleen waxay keeneen barbarro, halka Manchester United ay xilli ciyaareedkan kusoo xirtay guuldarro kasoo gaartay kooxda Cardif City oo ku macsalaameysay 2-0.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker