Sacuudiga Oo Dil Ku Xukumay 17 Jir Markii Uu Abaabulay isku soo bax.

Dowladda Sucuudiga ayaa ku xukuntay daldalaad qof 17 sano jir ah, kaasoo lagu eedeeyey inuu abaabuley isku soo bax.

Dowladda ayaa sheegay kal hore iney joojisay xukunada dadka loogu dilo waxyaabaha yar yar. Laakiin 17 sano jirkan, ayaa lagu xukumay in la dilo, ficillo ay ku kacdey awgeed.

Mustafa Hashim al-Darwish, ayaa lagu xukumay xukun dil ah, ka gadaal markii loo xidhay inuu ku lug lahaa dibad bax dhacey shan sano kahor

Madaxda Sucuudiga ayaa ku eedeeyey inuu abuurey koox argagaxisoah, iyo isku day kacdoon hubeysan oo xukunka jira lagala horyimaado.

Hey’adaha Xuquuqda Aadanaha ayaa ka dalbadey dowladda Sucuudiga iney ka noqoto go’aanka xukunka dilka ah ee la gaadhay.

Al-Darwish, oo ah 26 sano jir, ayaa lagu qasbay inuu qirto danbiyada loo heysto, sida ay sheegtay Amnesty Internetnational.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker