PUTIN oo cudurka Kansarka uu ku dhacay iyo loolan ka dhex billowday Kremlin-ka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa laga daweeyey cudurka kansarka oo marxaladdiisu sarreyso bishii April, wuxuuna sidoo kale ka badbaaday isku day lagu dili lahaa bishii March, waxaa sidaas shaaciyey wargeyska Newsweek oo soo xiganaya sirdoonka Mareykanka.

Warbixinta wargeyska ayaa sheegtay in qiimeynta sirdoonka Mareykanka ay tilmaameyso in hoggaamiyaha Ruushka uu xanuunsan yahay, go’doonsan yahay islamarkaana uu si sii korhdeysa u wareersan yahay, taasi oo dagaalka Ukraine ka dhigeysa mid aan la saadaalin karin.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in xaaladda Putin ay mugdi ku hareereysan yahay tan iyo duulaankii Ukraine sababo la xiriira go’doonka uu galay, waxayna ka digtay in la saadaaliyo geeridiisa. Saraakiil Ruushiyaan ah ayaa ku loolamaya awoodda Kremlin-ka, ayaga oo dareemaya in waqtigi Putin uu geba-gebo ku dhow yahay, waxaa sidaas sheegay mid ka mid ah sarakaiisha Mareykanka.

Dhinaca kale, warbixinta ayaa sheegtay in isku dayga lagu khaarijin lahaa Putin oo dhacay bishii March “uu ahaa shirqool Ruushiyaan ah” oo ay ogaadeen amniga nabad-sugidda Kremlin-ka, sida ay tiri warbixinta oo aan bixin faah-faahin. Waxa kale oo ay shaacisay in CIA-da iyo sirdoonka dalal kale ay maqleen warbixino la xiriira qancsanaan la’aan ka dhex jirta wasaaradaha amniga Ruushka, iyo in qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Ruushka ay doonayaan inay u goostaan dalalka Reer Galbeedka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker