Gudoomiyaha Waddani oo Dalka Emirate ka Kula Kulmey Madaxweynihii hore ee JSL Axmed Siilaanyo

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Ciro oo dalka Isku-tagga Imaaraadka  Kula Kulmey Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo gurigiisa kusoo booqday,

 

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”
ayaa maanta oo jimce ah gelinkii dambe wuxuu booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay hoyga uu ka degen yahay magaalada Abu Dubai ee dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta Madaxweynihii Hore ee JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.
Wuxuu ahaa kulan lagu waddaagay fikiro togan oo siyaasi ah iyo faallooyin guud oo ku saabsan waaqaca iyo waayaha waddanku marayo.

Ugu dambayntii Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kalmad mahad-celin ah kusoo xidhay booqashadii iyo salaan sharafeedkii Guddoomiye Cirro ugu yimid, kulanka waxaa sidoo kale goob joog ahaa Boqor Cismaan Buur madow & siyaasiga Ruug Caadaaga ah aqoonyahan Baashe Cawil X Cumar oo hore u ahaa safiirkii Somaliland u fadhiyey dalka Emiratka iminkana ah Safiirka Kenya,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker