Daawo: Falan-qaynta Ciyaarihii U Dambeeyay , Maxaa Sabab U ahaa Guusha Real madrid

Goolhayaha kooxda kubadda Cagta Real Madrid, Thibaut Courtois ayaa Xalay Loo Diiwaangeliyey Rikoodh   Xiiso badan kaddib markii uu Shabaqiisa ka ilaaliyey inay gaadhaan ciyaartoyga Barcelona oo dhawr jeer kubbado halis ah ku hujuumay.

 

Goolhayahan   Reer Belgium ayaa Shabaqiisa Nadiif ka dhigay labadii Clasico ee Xili ciyaareedkan ay la yeesheen Barcelona, waxaanu kulankii hore ee garoonka Camp Nou uu ka diiday ciyaartoyga Barcelona inay gool ka dhaliyaan, sidaas oo kalena xalay ayuu bandhig cajiib ah kusoo bandhigay Santiago Bernabeu.

 

Labadan kulan ee aanay Barcelona goolka ka dhalinin, waxay ka dhigan tahay in kooxdiisa uu ka difaacay kooxda ay isugu neceb yihiin oo xili ciyaareed dhamaystiran ku fashilantay inay Los Blancos goolal ka dhaliso.

 

Labadan kulan waxa loogu diiwaangeliyey rikoodh yaab leh oo muddo 50 sannadood ah aanu samaynin goolhaye Real Madrid ah, waxaanu noqday goolhayihii ugu horreeyey ee shabaqiisa oo nadiif ah ka baxa laba kulan oo isku xiga oo horyaalka LaLiga ka tirsan oo Los Blancos ay la ciyaartay Barcelona.

 

Xili ciyaareedkii 1974/75         ayaa labadii Ciyaarood ee Horyaalka ee Real Madrid iyo Barcelona, waxay kooxda ka  dhisan Caasimaddu ciyaartii hore ku badisay 1-0, kulankii labaadna waxay ku kala baxeen 0-0, sidaana waxay Barcelona oo uu kabtan u ahaa halyeygii Johan Cruyff ay ku guul-darraysteen inay wax goolal ah ka dhaliyaaan sannadkaas.

Laba jeer oo kale ayay rikoodhadan oo kale dhaceen, waxaanay ahaayeen Xili ciyaareedyadii      1935/36 iyo 1957/8

 

Daawo: FALAN QAYNTA CIYAARAHA OO DHAMAYSTIRAN

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker