Madaxweynaha Jboutiyow Ismacil Cumar Geeleh Xaal Iyo Talo Iga Qaado

Waxa jirtay Mudane Farmaajo M.wynha Dawladda Somaali u Todobaadkii hore ku tagay socdaal Dalka Eletariya,halkaasina uu kala soo hodey fadeexad ceeb oo ka cadheysiisay dad badan oo ah Somaalida Gudo iyo dibadba jooga,iskaba daa Reer jabuutiye.Sida ayn badankeenu ognahayna wax dhexmaray dagaaal qadhaadh laba dal ee ah Jabuuti & Elitariya,halkaasi oo Dawladda Elitariya si xaqdro ah ugu qabsatay dhul ay jabuuti leeadahay ,Maxaabiisna ka qabsatay Dawladda Jabuuti. Halkaasina ay ka geysatay Fal- Gabood, taasina la wada ogyahay. Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysana markii ay u hogaamsami weyeday Elitariya ay ku soo rogtay Go’aamdii Cunoqabateen ah oo lagu karbaashayo inta u hogaasameyso Go’aamadda.

M.weynaha FARMAAJO waxa la habooneyd inta uu joogay in uusan illoobin wanaag ay Dalka Dabuuti ay illa 1991 ay la daba joogtay Reer Somaalia, gaarahaan Dawladihii Xamar ka dhisna Abal lama illoobanka ah ay gashatay. Ma waxa ugu yare ee la aqbalihaa ee uu garan waayey Farmaajo in uu Ka codsado M.wynaha Elitariya 50 Askari oo maxaabiis oo reer Joubti ah uu faraha iskaga duubo uu weydiisto M.weynu uu la joogay in uu saamaxo uuna sii kaxeeayo illa Djoubti,iskana aamuso oo afkiisa hayto. REER JABUUTOW MAANTA RUMEYSTA WAXAANU 30 YEARS u dabeeyay aanu idiin ka cabaneyney ee an kaga goosaney Akhrikii Soomali. Soomaali markii ay nagula kaceen wax anan loo dulqaadan Karin,oo caqli xumidaasi iyo wax ka sii daran kun jeer Madaxdoodii Farmaajo la garaadka ah noo geysteen!
Ugu Danbeytii waxaan Xaal ii gaar ah ka bixinaaya M.Weynaha Reer Djouuti iyo shicib reer djbuuti Edeb- darada la idin ku la kacay iyo cagli-gaabnimadasi. Waxan ad ugu xumay Quudhsi Saxiib kuu heelanaa muddo dheer oo waxba kaalo xadhin,Inkastoo Dawladda djbouti ay walaalaheedda Soomaliyeed hor Alleh iyo Walaalnimo iyo magaca Soomaaliyeed ay ugu xaydneyd , Haddana Farmaajo iskoo magacii dawladda soomalida huwanaa ayuu arrintan foosha xun ku kacay.
Kuwa se odhan doona Soomaliya waa dawlad Madaxbanaan oo ku kici karta danaheeda,waa Runta an isku sheegnee Dano ma jiraane waa caqligaabnimodii lagu yaqaaney iyo madaxda Soomaalida oo uu ku dhacay xunuun Dalxiis JACEEL waddamada dibadda iyo ROOGA CAS EE LOO DHIGO MADAXDA ADDUUNKA IYO HUTEELAADSA WAAWEYN EE LAGU RAAXAYSTO AYAA HODEY NIMANKAASI IYAGA AH!!
Ta kale Soomalidu waxay tidhadhda Dameeri Dhaan raacdey,Ma illa aha Qadiyad weyn oo Taariikhi ah oo markaasi uun daahfurmeysay oo Darafyaddii ishayay ee isafgaradka ku talaabsadey aysan wada liqin hawshii ay ku guuleystaan uun inuu barbarkaasi kaga qabto oo islamarkaasina qardojeexo.Waxa la yidhi waayadii magaalooyinka la soo galay ay ayaa Nin Faruurnaa iska dhaqaajiyay xagga iyo Magaaladda Berbara,markasuu Dhib iyo Rafaad kalo kulmey,markii dane ayaa la weydiiyay oo lagu yidhi FARUUROW MAXAA BERBARA KU KEENEY,MARKAASU KU JAWAABEY FUDUUL,SIDAASINA AY KU NOQOTAY WEEDH CAAN AH KA TURJUMEYSA TALAABADA IYO SOCDAALKA FUDEYD KU JIRO,M.weynaha iyo M.adaxda Reer Jabouti,iyagana waxaan leeyahay War bal tan wax ku qaata oo joojiya INDHAAHA AAD KA LALINEYSAAN MARWALBA S/Land oo xigto idiin ah,waa haddii aydaan isdho-tireyn!!

W/Q Haldoor Rashid sulub Caalin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker