Cunista Hilibka Oo Hoos U Dhacay Dalka SWEDEN
Waxaa wakhtiyadan danbe kusoo yaraanaya hilib cunistii bulshada ku dhaqan reer Sweden, taasina waxay cadaynaysaa in hoos udhac weyn ku yimid cunista hilibka tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.
Sida laga ogaaday baadhitaan ay wakaaladda beeraha ee Jorbruksverket ee dalka Sweden arriinkan ka sameeysay labadii sannadood ee ugu dambeeyay ayey dadyoowga dalkani yareeyeen hilib cunista 83.5 kiilo shakhsi walba sannadkii 2018 Marka loo barbardhigo sannadkii ka horeeyay 2017 waxaa uu hoos u dhacay 2.2 kiilo.
Dhanka kale ayey badankii dadku hadii ay hilib iibsadaan waxey doortaan xoolaha Sweden ku dhaqan Sababta ayaa ah sida uu baadhitaanku muujinayo in xiisaha loo qabo hilibka xoolaha Sweden uu kor u kacay, islamarkaana aanu isbedelin sicirka hilibka ee dalkan.
Source:
https://sverigesradio.se/sida/artikel.aspx?programid=2172&artikel=7168034




