Deg deg: Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Qaraxyo iyo Rasaas lagu Weeraray.

Qaraxyada ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa

Muqdisho:- (OWN) Qaraxyo is xigay iyo rasaas ayaa la sheegay in laga maqlay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho abaarihii 12kii duhurnimo.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay meel u dhow waddada gasha madaxtooyada ee ka timaada Ceel Gaab, waxaana ku xigtay rasaas xoog leh oo halkaa ka dhacaysay.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay waddada labaad ee ka timaada dhanka Shineemo Afrika.

Rasaasta oo la rumaysan yahay inay is weydaarsanayaan ilaalada madaxtooyada iyo qolyaha weerarka qaaday ayaa laga maqlay aaggaas, ilaa iyo guriga hooyooyinka.

Weli lama oga khasaaraha, laakinse waxaa la sheegay in qaraxyada loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga buuxiyey.

Qiiq ayaa ka muuqda goobta ay qaraxyadu ka dheceen.

Qaraxyadan iyo rasaasta la is weydaarsanayo ayaa ku soo beegmaya iyadoo todobaadkii hore weerar noocaas oo kale ah ay Al Shabaab ku qaadeen xarunta Otto Otto oo aan ka fogeyn halka uu weerarka maanta ka dhacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker