Shiinaha oo ka jawaabay Gujiska ay sameysatay Taiwan

Taiwan ayaa daaha ka rogtay Gujiskii ugu horeeyay ee ay samaysato, iyadoo doonaysa inay ka hortagto awooda bada ee Shiinaha oo sii kordheysa.

Jasiiradda ayaa go’aansatey in ay sameysato Gujis ay iyadu leedahay kadib markii ay weydey cid diyaar u ah in ay u dhisto.

Beijing waxay u aragtaa Taiwan qayb ka mid ah dhulkeeda. Afhayeen u hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha –Mao Ning– ayaa sheegtay in Gujiska cusub uu yahay wax lagu qaasaariyay lacagta dadka Taiwa.

Horta arrintu maaha arrin arrimaha dibadda khuseysa. Taiwan waa qayb ka mid ah geyiga Shiinaha oo aan go’i karin, waana in dib loo midoobo Taiwan. Madaxda Xisbiga Horumarka Dimuqraadiga ah ee ku dhegan mawqifka gooni-u-goosadka ah ee madax-bannaanida Taiwan, ee ku dhisan ku takri-falka dhaqaalaha dadka reer Taiwan iyagoo ku iibsanaya hub, abuurista colaad iyo iska hor-imaadyo xad dhaaf ah waxay wiiqayaan nabadda. iyo xasiloonida Taiwan.” ayay tiri.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker