Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo booqday dhaawacyada qaraxii Shalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho:- (OWN) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Xalay Isbitaallada Muqdisho ku booqday Dadkii ku dhaawacmay qarixii Shalay lala beegsaday Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga.

Ra’iisal wasaaraha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale Tacsi u diray eheladda Dadkii ku Naf-waayay qaraxaas.

Mudane; Kheyre ayaa sheegay in dhaawacyada aan Dalka waxba lagaga qaban karin ay Dowladdu u qaadayso Dalka dibeddiisa.

Wuxuuna ugu dambayn Ra’iisal Wasaaruhu ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka Dalka looga saarayo kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker