Banaanbax Xoogan Oo Ka dhacay Magaalada Dila Ee Gobalka Awdal oo hakad galiyay isu socodka Hargaysa iyo Borama

Dadweynaha magaalada Dilla ee gobolka Awdal ayaa  iskugu soo baxay banaanbax ay kaga soo horjeedaan xadhig loo gaystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdishakuur Aw Cali Buux (Gacmoole) kaas oo ay ciidamada boolisku ku xidheen magaalada Boorama.

Cabdishakuur Aw Cali Buux ayey wararku sheegayaan in lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay koox dhalinyaro ah oo shaqo joojin ku samaysay cagafyo ay xukuumadu leedahay oo beero ka qodayey banka Wajaale.

Mudaharaadka ay dhigayaan dadweynaha degmada Dilla ayaa ka dhashay ka dib markii la sheegay in muwaadinka la xidhay loo qaadayo magaalada Hargeysa, isla markaana uu halkaas ku xidhnaan doono.

Dadweynaha degmada Dill0 ayaa xidhay jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama , kuwaas oo is hortaagay gaadiidkii u kala gooshayey labada magaalo.

Warka ayaa sheegaya in gaadiidka u kala baxayey Boorama iyo Hargeysa ay ilaa hada ku xaniban yihiin jidka degmada Dilla, iyada oo aanu jirin wax khasaare ah oo ilaa hada ka dhashay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker