Sheekh Cabdilaahi Berberaawi oo la su’aalay Roobka mala kala xadi karaa ? Muxuu ku jawaabay .
Sheekh Cabdilaahi Berberaawi oo la su’aalay Roobka mala kala xadi karaa ? ayaa ku jawaabay .
“Daruuraha Ilaahay ee samada maraya hadii qolo dee kaxaysato oo dee taa awoodeeda ay yeeshaan sida Xadis (Tuugo) loogu magacaabayo anigu garan maayo “.
” Sidaan ka maqlay dadka aqoonta uleh arimahaasi , waa dhici kartaa in Daruurtii lagu furo dabeyl ama hawo farabadan oo dabadeed xawaarihii ay jaraysay mid ka badan ay jarto oo inta meel laga kexeeyo meel kale la geeyo waa wax cilmiyan u sugnaaday weeye “.
“Tusaale ahaan in Daruur dal dul taagnayd ama dul maraysay lagu furo hawo farabadan oo awalba dabeyl ayaa wadaye dabeyshii baa lasii kordhiyay !! ilay dadku Daruur ma abuuri karaan yaguye Ilahayba abuurki kara oo sameyn karee .
” Markaa taas oo kale waa wax cilmiyan ama saynis ahaan wax dhici kara weeye , ama Roob la xaday halagu magacaabo ama dee kolay siday xadis u noqonayso garan maayo aniguye , ilay xadistu waa xoolo qof lahaayo meel uu ogyahay ugu ilaashanaa hadii si qarsoon loo qaato ayay shareecadu xadis u taqaanaa “




