Turkiga Oo Ay Saamayn Dhaqaale Ku Yeelatay Cunaqabataynta Saaran Iiraan

Wasiirada Ganacsiga Turkiga Ruhsar Pekcan ayaa sheegtay in dalkeeda ay saameyn ku yeelatay, cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka ku soo rogay wadanka Iiraan.

Ms Pekcan ayaa hadalkaan ka sheegtay kulan ay la yeelatay ganacsato u dhashay Iiraan oo ka dhacay arbacadan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay sheegtay in Turkiga dhaqaale fara badan uu ka heli jiray canshuurta laga qaado shixnadaha ganacsi ee ka yimaada Iiraan.

Dhanka kale xukuumada Ankara ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonto taageerada ay u heyso Tehraan, oo daris wadaag ay yihiin.

Mas,uuliyiinta labada wadan ayaa horay u saxiixay heshiis ganacsi oo ku kacaya 30-billion oo doolar ka hor inta maamulka Trump cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogin dalka Iiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker