Tababarka Furintaanka Nidaamka Maamul Xisaabeedka Dawlada:Waxa wasaaradda Maaliyaddu hirgelisay islamarkaana tababaro u furtay shaqaalaha

Wasiir Yusuf Rage Sawirka Wax-Qabadka-Ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jsl

Wasaaradda  Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay gacanta ku haysaa isla markaana maamushaa dhaqaalaha dowlada,Cashuuraha(taxes),laga qaado bulshada  iyo kharashka wadanka . Intaas waxaa dheer, wasaaraddani waxay masuul ka tahay habaynta, dejinta iyo diyaarinta Siyaasada Dhaqalaha(Economic policy) iyo Maamulka Miisaniyadda (Budget Managemnt) dowlada Jamhuuriyadda Somaliland.Wasaarada maaliyadu waa halbawlaha uu qaran ka horumaro ama uu ka dib dhaco,waa Miqyaaska laga cabbiro kor u kaca ama hoos u dhaca dhaqalaha qaranka,waa Muraayadda qarankan u jihaysa dhabaha horumarka iyo horu-socodka hadii ay ku dadaasho illaalinta  iyo dabargoynta musuqmaasuqa iyadoo si wada jira u kaashanaysa haayada dawliga ah.

14 dec 2017 W waxa d Madaxweyne Muuse Biixi u Magacaabay Wasaaradda Maaliyadda Jsl,Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi  oo ah dhallin-yarada aqoon-yahanka ah ee sida fog ugu xeel dheer nidaamka Maaliyadeed isagoo waayo-aragnimo badna oo 20 sanno ku dhaw u leh Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqqadeedaba.Masuulkan ayaa cullimadda faallaysa siyaasaddu ku tilmaamaan shakhsiyadii ugu haboonayd ee Madaxweyne Muuse U magacaabo booskii U aqoonta u lahaa.Haddaba dhawaan Markii uu wasiirka cusub xilka la wareegayay waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Horumarin ballaadhan ku samayn doono Wasaaradda Maaliyadda, waxa uu wasiirku kaga dhawajiyay inuu xiddidada u saari doono musuq maasuqa lanna dagaalami doono,sidoo kale shaqalaha wasaaraddana ku Maamuli doono nidaamka ah sarraynta sharciga (Right person,right posion),waxaana qorshihiisii ugu horreyay (first plan strategy) Haddaba Lixdan cisho ka dib aynu dib u millicsano waxa  u qabsoomay Wasiir Yuusuf .

1:Ugu Horrayn wasiirku waxa uu qaaday dhabbaha ah “Sarraynta sahrciga” Nidaamkan ayaa waxa uu soo jiitay dhamaan shaqaale waynaha Wasaaradda Maaliyadda kaasi oo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadu ku shaqo galeen sharciga ah “Right postion,with right person” aya waxa uu qurxiyay haykalka shaqalaha,kala sarraynta,heerka aqooneed,waayo-aragnimo iyo is texgelinta sida loo laka sarreyo ayaad ka dheehan kartaa Gudaha Wasaaradda, nidaamkan ayaa waxa uu ku dhisan yahay  wada shaqayn Isla xisabtan daahfurnan yo is daba gal ka kaalin gallay Wasaaraddii Maaliyadda.

2:Habaynta iyo sixida nidaamka maamul ee shaqada iyo shaqaalaha:-sixidda iyo hirgalinta nidaamka suuban ee ka hanaqaaday Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa kaw ka ah isla markaana udub dhexad u ah dadaaladda horumarineed ee ay Wasaaradda Maaliyaddu iyo hogaankeeduba wadaan,helitaanka shaqaale aqoon iyo maamul suuban ku sidkani waa helitaanka shaqo qancisa ummada iyo qaranka taas iyagoo ka duulaya waxa hogaanka Maaliyaddu sameeyen nidaamka maamul ee shqada iyo shaqaalaha.

 

3: Ururinta iyo xulnida   dadka aqoonta leh:Nidaamkani Waa Markii u horreeyay ee Wasaaradda Maaliyadda laga Hirgeliyo,nidaamkan ayaa waxa uu keenay in Wasiir Yuusuf oo ah Shakhsi aqoon fiican iyo mid waayo-aragnimoba u leh Wasaradda Maaliyadda inuu soo xusho dadkii aqoonta,waayo-aragnimada u leh shaqada,taasina waxay keentay horumarka ka hanaqaaday wasaaradda Maaliyadda guud ahaan shacbi waynuhu dareemaan.

4: Wasiirka Maaliyaddu Isagoo ka faa idaysanya aqoontiisa Uu u leeyahay Nidaam Xisaabeedka Maaliyadeed,waxa uu Nidaamka Maaliyadda ,sanadka cusub waxa uu ka guuray  qaab miisaniyadeedkeenii hore loogu shaqayn jiray,kaasi oo  ku salaysnaa habka isku dheeli tirka kharashka iyo dakhliga ( Line item  budgetary) Wasiirka oo raacay islamrkaana qorshaha ay ugu jirto hirgalinta siyaasadda xisbigiisa iyo xukuumadiisa ee ahaa dhinaca horumarka iyo wax-beershada waxa uu markii u horaysay uguuray  hab misaniyadeed ku dhisan horumarin-ka iyo waxqabad ( Performance and capital budget)

 

 

 

5:Furintaanka Xafiiska Mucaawinooyinka Dibada: Wasaaradda Maaliyaddu sidoo kale waxay furtay xafiiska qabashada Mucaawinyyoinka dibada,xafiiskan ayaa waxa uu faa ido u leeyahay guud ahaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.Somaliland ayaa waxqtiyadddii hore waxa lagu dhaleecayn jira inaan Somaliland Nidaamkeeda Xisaabeed aanu u diyaarsanayn Innay hanato Mucaawinooyinka Dibadda,xafiiskan ayaa waxa uu caddeeyay in somaliland hanan karto,aqoona u ahaan iyo awood ahaanba .Xafiiskan Wasaaradda Horumarinta Maaliyaduu Soo kordhisay ayaa waxa loo qorsheeyay innay soo maraan caawinooyinka dibadda,Xafiisku ayaa ahFund Management Unit waxa uu diyaariyaa Financial reborts ka kaasi oo loo gudbiyo ciddii caawimo ina siisa,islamarkaana Waxa uu leeyahay  isla-xisaabtankiisa,xisaab celintiisa iyo Aduiting kiisa.Waxaanu noqonayaa tallaabooyinka Horumarined ee uu qaaday wasiirka Wasaaradda maaliyadda iyo ku-xigenkisa oo iyagu ah halbeega horumarineed ee wasaaraddasi leedahahay.

6:Tababarka Furintaanka Nidaamka Maamul Xisaabeedka Dawlada:Waxa wasaaradda Maaliyaddu hirgelisay islamarkaana tababaro u furtay shaqaalaha Maamulka&Lacagta ee Wasaaraddaha dalka,nidaam xisaabeedkan casriga ah,ayaa markii u horraysay la hirgeliyay.Hanaankan casriga ee maamul xisaabeedka dawlada ayaa waxa uu suurtagalin doona in hanaanka Maaliyaddeed ee dalku noqon doono mid hufan,oo cad,islamarkaana leh isla xisaabtan iyo daba gal wanaagsan,sidoo kale hanaankan ay dhawaan soo kordhisay wasaaradda maaliyaddu ayaa waxay culsayo badan oo uu lahaa nidaamka hadda lagu shaqeeyo paper work ama manual ka.Nidaamkan ayaa waxa ay wasaarad kastaa Misaaniyadeed kasoo galin doontaa xafiiskeeda.Waa markii u horaysay ee wasaaradda Maaliyaddu Hirgalisay nidaam xisaabeedka casriga ah ee dawlada,wasiirka maaliyadda muddane yuusuf ayaa tan iyo intii uu xilka la wareegay waxa la dareemayaa dardar hor leh oo uu hore u qaaday.

 

Lasoco Qaybta 2aad

Cabdi Ahmed

cabdiahmed9808@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker