Al-Shabaab Oo Laga soo Furtay Silvia Romano Oo Sanado U Afduubneyd.

Howlgal ka dhacay duleedka magaalada  Muqdisho ayaa lagu soo furtay Silvia Constanca Romano, oo ah haweeney samafalka ka shaqeysa, oo u dhalatay dalka Talyaaniga taasoo bishii November ee sanadkii 2018 laga soo afduubtay dalka Kenya, laguna haystay Soomaaliya.

 

Waxay Silvia gacanta u gashay kooxda Al-Shabaab oo kasoo qafaalatay degaanka Chakama County ee dalka Kenya sanadkii 2018, iyadoo ka howlgeli jirtay xarun samafal oo halkaas ku taalla.

 

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa u mahad-celiyey sirdoonka dalka Talyaaniga oo ka shaqeeyey howlgalka lagu soo furtay Silvia, iyagoo kaashanaya sirdoonka dalalka Turkiga iyo Somalia sida uu qoray Wargeyska La Repubblica ee dalka Talyaaniga ka soo baxa

 

Howlgalka lagu soo furtay Silvia ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel aan magaceeda la sheegin oo 30-km u jirta magaalada Muqdisho, faahfaahina lagama bixin sida uu dhacay iyo haddii uu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay.

 

Haweeneydan oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu caafimaadkeedu fiican yahay, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda loo duuliyo dalkeedii hooyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker