Waannu Soo Dhowaynaynaa Qodobbadii Kasoo baxay Shirka Gacan Libaax, Xukuumadduna Degdeg Haw Fuliso (Guddoomiye Cabdifataax Walaaleeye)
Ceerigaabo(OWN) Guddoomiyaha Jaaliyadda Beelaha Arab ee Carriga Maraykanka Cabdifataax Maxamuud Cali (Walaaleeye) ayaa ka hadlay qodobbada kasoo baxay shirkii beelaha Garxajis ugusoo gebageboobey Buurta Gacan Libaax.
Gudoomiye Cabdifataax oo war uu soo saaray soona gaadhsiiyey oodweynenews ayuu ku sheegay inuu aad u soo dhawaynayo shirka Gacan libaax iyo qodobbada kasoo baxay isagoo yidhi “Waxaannu taageersan nahay shirkii u qabsoomay beelaha Garxajis ee ka dhacay buurta Gacan Libaax, shirkaasi waxa uu kusoo beegmay wakhti baahi weyn loo qabey, qodobadii ka soo baxayna waxay noqdeen kuwo dan u ah guud ahaan somaliland waanan soo dhawaynaynaa war murtiyeedka shirku soo saaray, waxaanay ku soo ururayaan qodobadaasi in la saxo wixii inaga qaldamay, runtiina waa wanaag u soo kordhay somaliland in layskula xisaabtamo khaladaadka dhacay iyo sidii loo sixi lahaa, markaa qodobada shirkaasi aad ayey u wanaagsanaayeen waxaanan u aragnaa kuwo u danaynaya somaliland.”
Gudoomiye Cabdifataax Maxamuud Cali (Walaaleeye) oo hadalkiisa sii wata ayaa digniin u jeediyey xukuumada waxaanu yidhi “Waxaan xukuumada somaliland u soo jeedinaynaa in sidii caadada u ahayd aanay hada abaabulin odayaal iyo dad kale oo cambaareeya qodobada ka shirka ka soo baxay balse ay ku dedaasho inay raacdo waxyaabaha uu shirku ku baaqayo ee isku soo dhawaynta bulshada iyo sidii beelaha somaliland wanaagooda loo soo horu marin lahaa, runtiina xukuumada waxa looga baahan yahay inay indho caafimaad qaba ku eegto qodobada ka soo baxay shirkaasi.”
Ugu dambay gudoomiye Cabdifataax Walaaleeya ayaa xukuumada ugu baaqay inay fuliso qodobada ka soo baxay shirka Gacan Libaax “Ugu dambayn waxaan xukuumadda Somaliland u soo jeedinaynaa inay si deg deg ah u fuliso wixii qodobo ah ee shirkaasi ka khuseeya kuwaas oo dan badani ugu jirto, shirku waxa uu soo jeediyey in la saxo saami qaybsiga xukuumadda, waana qodob ka mid ah waxyaabaha ay beelaha Somaliland heshiiska ku yihiin taas oo loo baahan yahay inaanu marna dheeli ku iman saami qaybsiga xukuumadda haddii uu ku yimaaddana sida hadda lagu baaqayo islamarkaba la saxo.”
Oodweynenews.com/Ceerigaabo




