Dagaal Laba beelood Oo Saaka Kadhacay Degaanka Ceeryaan Ee Galbeedka Sanaag

 

Ceerigaabo(OWN) Wararka ka imanaya degaannada galbeedka Sanaag ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka laba beelood dagaal ku dhexmaray degaanka Ceeryaan ee galbeedka Sanaag.

 

 

Waxana wararka hordhaca ahi sheegayaa in dagaalkaasi sababay khasaare inta la ogyahay dhimasho saddex qof ah iyo dhaawaca oo shan qof ah.

 

 

Waxana wararku intaas ku darayaan in goobtaas ay gaadheen ciidammada Aar-Aar-Yuu-da (RRU) loo yaqaanno oo ay kala dhexgaleen ciidan beeleedyadii dirirayey sidaas awgeedna xilligan uu joogsadey dagaalkaasi.

 

 

Ma cadda sababta dagaalkani ka dhashay haseyeeshee waxa jirey shaqaaqooyin beelaha wada dega hore ugu dhexmaray degaankaas taasi oo loo malaynayo inay tahay sababta dagaalkani ka dhashay.

 

 

Wixii faah-faahin kasoo kordha kala soco Oodweynenews.com

 

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker