New Zealand Oo Mamnuucaysa Qoryaha Darandooriga U Dhaca Bisha 11 bisha Abril.

New Zealand ayaa mamnuucaysa dhammaan qoryaha darandooriga u dhaca ee loo adeegsaday weerarkii lagu qaaday Muslimiinta ku cibaadaysanayay masaajidda magaalada Christchurch, sida ay sheegtay Ra’iisulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern.

Shuruucda qoryaha ee dalkaas ayaa miiska saarnaa tan iyo markii Jimcihii hore lagu laayay 50 qof oo ku sugnaa labo masaajid.

Jacinda ayaa sheegtay in ay rajaynayso in sharciga cusub uu dhaqan galo 11 bisha Abril.

Dhammaan dadkii ku dhintay labada masaajid ayaa hadda si rasmi ah loo aqoonsaday sida uu sheegay taliyaha booliiska Mike Bush. Hal nin ayaa lagu soo oogay hal dacwad oo dil ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker