Shir-Weynihii Beesha Garxajis Ee Buurta Gacanlibaax Oo Sidii Loogu Talo Galay U Socda

Buurta Gacan-libaax(OWN)- Shirka Beesha Garxajis ee Tol-wanaaje laba, ayaa maalintii sabtidii  ka furmay  Buurta Gacanlibaax, kaasi oo ay kasoo qayb-geleen ergooyin kal kala socda dhammaan-ba Ardaayada Beesha Garxajis, Qurbajoog, Haween Iyo Siyaasiin kasoo kala jeede beeasha Garxajis.

 

Salaadiinta, Boqorada ugaas-yada Cuqaasha, iyo badi madax-dhaqameedka Beesha Garxajis oo ka kala yimi Gobolada, Sanaag, Togdheer, Saaxil, Maroodijeex, Daadmadheedh iyo ergooyin ay soo xuleen ayaa iyana goobtaas ku sugan kuwaas oo shirka go’aamadooda leh.

 

Shirkan Beesha Garxajis  ayaa lagu xusay fikirkaas asal ahaana lahaa inuu shirkanai qabsoomo  AHN Marxuum CALI IBRAAHIM MAXAMED ( CALI– SANYARE)  oo hoolka sawirka marxuumka iyo magaciisaba si farshaxan leh loogu muujiyey .

 

Waxa kale oo si weyn  loogu mahad-naqayaa goobta   beesha kasoo jeeda deegaankaas shirka ka qabsoomayo sida wanaagsan ee ay u maamulayaan shirka guud ahaan haday noqoto Cunto, Hurdo, Biyo , Iyadoo ay si weyn u adkeeyeen nabadgelyada deegaanka gaar ahaan buurta gacan-libaax oo aan shirka loo ogolayn qof aan kaadh sidan haba yaraatee aanad geli karin.

 

 

 

Wixii warar dheraad ah kala soco Oodweynenews .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker