Ilhaan Cumar Iyo Donald Trump Oo Mar Kale Dib Hadal Dagaal Ah Isweydaarsaday

Madaxweynaha dalka Maraykanka Mr Donald Trump ayaa xalay bartiisa Twitter-ka ku soo qoray qoraal uu u jeedo Xildhibaanada Soomaaliyada ah ee Ilhaan Cumar, kadib hadal uu ka jeediyey kulan ay lahaayeen Kooxda Hoggaamisa siyaasadda Yuhuudda.

 

Haddaba, Warbixintan oo ay qoray wargeyska Daily Mail ayaa waxay sheegeysa inuu Madaxweyne Donald Trump oo Sabtidii ka hadlay kulan ay lahaayeen Kooxda Hoggaamisa siyaasadda Yuhuudda ee ku dhaqan Mareykanka uu Ilhaan Cumar u mahad celiyey isagoo ku jeesjeesaya.

 

Trump, Inta aanu khudbaddiisa billaabin ka hor ayuu yidhi “Oh waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa’iil may jecleyn, waan ka xumahay. Maya Israa’iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa”.

 

Wuxuu sidoo kale Xisbiga Dimuqraadiga ku eedeeyey inuu oggolaado in Yuhuud Neceybka ay xisbigooda ku xidideysato.

 

Dhinaca kalena, Ilhaan Cumar oo farriinta uu Trump boggiisa Tweetarka ku qoray ka jawaabeysa ayaa qortay qoraal ay kaga jawaabayso oo u dhignaa sidan, “Allahayoow, dadkeyga u dambi dhaaf aqoon la’aantooda”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker