“‘Abtirsiinta ay Puntland iyo Soomaaliya ku wadaan dadka Gobolka Sool, Nimankaas Puntland Iyo Somaliya Waynu Is Haynaa ”

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, ayaa Puntland iyo Somaliya uga digay daan-daansiga iyo dagaalka ka dhanka ah Somaliland ee ay wadaan, waxaanu tilmaamay in aanay sinaba Somaliland waxba uga qaadayan, wax kasta oo la yimaadana ay Somaliland diyaar u tahay.

 

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin   ayaa sidoo kale baaq iyo talo u diray Shacabka Sool, waxaanu ugu baaqay in aan qabiil lagu khaldin, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Nimankaas Puntland iyo Somaliya sidii ay doodaan ha isku taageeraane weynu is haynaa,haddii ay ina dayn weynaana cir iyo dhulba weynu kala dagaalami doonaa, oo yaraysan mayno, inaguna is dhigan mayno, laakiin waxaanu jecel nahay inay nimankaasi ina nabad galiyaan,haddii ay ina nabad galin waayana waanu is huran nahay”.

 

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar uu ka hadlaayey Shacabka Gobolka Sool ayaa yidhi ‘Abtirsiinta ay Puntland iyo Soomaaliya ku wadaan dadka Gobolka Sool, iska samir taag waa,waxna u kordhin mayso, waxna ku faa’iidi mayaan, dadka Gobolka Soolna waa dad muwaadiin ah oo reer Somaliland ah, cid ka xigta Somalilland ma jirto, waxaana kula talinayaa inay dadka Gobolka Sool inay iska ilaaliyaan abaabulka khaldan ee lagu wado”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker