Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta JSL oo Hawlgalo Macdan Baadhis ah ka Bilaabaysa Deegaano ka Tirsan Gobolka Salal

Masuuliyiinta gobolka Selel iyo degmada Saylac ayaa soo dhaweeyay agaasimaha guud ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo wefdiga uu hogaaminayay.

Madax dhaqameedka, waxgaradka iyo dadweynaha ku dhaqan deegaanka Cabdiqaadir ee gobolka Selel ayaa soo dhaweeyay sahminta iyo Macdan baadhista laga bilaabay deegaankaasi iyagoo ballan qaaday inay la shaqayn doonaan wasaaradda.

Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha guud ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa sheegay inay deegaanka Cabdiqaadir iyo nawaaxigiisa ka bilaabi doonaan baadhitaan lagu samayn doono khayraadka dhulkaasi si looga faa’iidaysto.  Agaasimahu waxa uu sheegay iyadoo la fulinayo siyaasadda Madaxweynaha JSL in deegaankasta oo loo tuhmayo macdan iyo khayraad la baadhi doono si shacabku uga faa’iideyso.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker