Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI ee dalka UK ayaa xalay yeeshay kulan lagaga tashanayay dardar gelinta hawlaha Xisbiga.

Kulankan oo uu guddoominyayay guddoomiyaha Xisbiga ee dalka Ingiriiska Mudane Cabdirashiid Maxamed Magaalo waxaa khadka isgaadhsiinta kaga qayb qaatay Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga Md Xirsi Cali X Xasan.
Shirka oo si weyn la isugu xaal waraystay ayaa hoggaanka Xisbigu waxay bogaadiyeen shaqada madaxda iyo guddiyada Xisbiga ee dalka UK islamarkaana ku boorriyeen in dadaalka la sii laban laabo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker