Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Shacabka Reer Somaliland U Rajeeyay Inay Ku Qaataan Farxadda Ciidal-Fidriga
Waxaan Shacabka Islaamka gaar ahaan Umada Somaliyeed gaar ahaan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan ugu Hanbalyaynayaa Munaasibada Ciid awgeed waxaan leeyhay Ciid Mubaariga Kulu Caam Wa’antum Bil Khayr.
Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu inaga Aqbalo Acmaashii Bisha Barakaysan ee Ramadaan Isha Allaah waxaan alle Ka barayayaa inuu inaga yeelo kuwii laga xoreeyey Naarta loona Danbi dhaafay helayna naxariista Alle ee ku dhax jirtay Bisha Barakaysnayd ee Ramadaan.
Waxaan marlabaad leeyahay ku Ciid Caafimaad Barwaaqo iyo Badhaadhe Allena ha inagu gaadhsiiyo sanadka sanadkiisa Bash Bash iyo Barwaaqo.
“Wa Bilaahi Tawfiiq ciid mubaarig.
Xirsi Cali Xaaji Xasan,Hogaamiyaha Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI