Madaxweyne Muuse Biixi Oo Waraaqo U Kala Diray 15 Hay’adood Oo Ka Hawl-gala Gudaha Somaliland
Hargeysa(OWN)- 15 hay’addood oo ah kuwa hormuudka u ah xuquuqal Iisaanka ee Afrika ayaa dhambaal u diray madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi Lixdii bishan.
Hay’addahan ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu wax ka qabto qalalaasaha ka taaggan xorriyadda saxaafadda Somaliland iyo tan muwaadiniinta.
Waxay ugu baaqeen in madaxweynuhu xil iska saaro xorriyatul qawlka, xuquuqda isu soo baxyada, xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda shakhsiyaadka ee Somaliland.
Hay’addahan ayaa walaacooda ku saleeyay saddexdii bilood ee u dambeeyay oo Somaliland lagu xidhay 5 wariye laba telefishanna la xayiray. Sidoo kale muwaadiniin kale oo Naciimo Qorane ka mid tahay lagu xidhay arrimo fikirkooda ku salaysan.
Halkan hoose ka akhriso warbixintan
-
- Africa Freedom of Information Centre (AFIC) , Uganda
- Association for Media Development in South Sudan (AMDISS), South Sudan
- Center for Media Studies & Peace Building (CEMESP) , Liberia
- Freedom of Expression Institute (FXI) , South Africa
- Human Rights Network for Journalists – Uganda (HRNJ-Uganda)
- Human Rights Journalists, Somalia
- Institute for Media and Society, Nigeria
- International Federation of Journalists (IFJ), Belgium
- International Press Centre (IPC), Nigeria
- Journaliste en danger (JED), Democratic Republic of Congo
- Media Foundation for West Africa (MFWA), Ghana
- Media Rights Agenda (MRA), Nigeria
- Media Institute of Southern Africa (MISA), Zimbabwe
- National Union of Somali Journalists, Somalia
- West African Journalists Association (WAJA), Senegal