Gabadh Reer Somaliland Ah Oo Meel Fagaare Ah Kaga Codsatay Madaxweynaha Rwanda inuu Aqoonsado Somaliland
Suhuur Fatxi Mukhtaar oo ka qaybgashay Shirka isku xidhka dhallinyarada Afrika (YouthConnekt Africa) oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyaradda Rwanda oo kaashanaysa hay’ado ay ka mid ahaayeen UNDP.
Suhuur oo shirka dhexdiisa ka mid noqotay dad fursad u helay ay su’aalo ku weydiiyaan madaxweyne Kagame, waxaana iyadoo shucuurteedu sarreysay ay tidhi; “Magacaygu waa Suhuur waxaan ka imid dal la yidhaahdo Somaliland.waxaanan kaaga mahadcelinayaa sidaad halkan (Ruwanda) noogu soo dhaweysay. Waxaan ku faraxsan nahay inaan halkan kuugu soo qadimayaa codsi ee kuma weydiinayo su’aal.”
“Waxaad ka warqabtaa inuu dalkayagu yahay mid nabdoon oo xasiloon. Waxa kaloo aanu leenahay dawlad shaqeynaysa, waxaannu leenahay dastuur, hase ahaatee wali aqoonsani kama aanu helin caalamka iyo dalalka Afrika.Sidaas darteed, waxaannu kaa codsanayaa adiga (Madaxweynaha Ruwanda) inaad aqbasho dalabkayaga oo aad na aqoonsato,”ayey si dhiirran u tidhi Suhuur Fatxi.
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame wuxuu uga jawaabay soo jeedinta gabadhaas reer Somaliland, si taxadir ka muuqday oo uu is ururinayey waxaannu yidhi; “Waxaan u malaynayaa inaad ii dirayso shaqo adag. Waayo waxa jira shuruuc caalamiya oo jidaynaya qaabka loo aqoonsanayo dawlad ama dal, waxaan filayaa inaad arrintaas u halgamaysaan ilaa aad ka xaqiijinaysaan oo gaadhaysaan qaddiyadiinna.”
Mr. Paul Kagame wuxuu intaas ku daray “Waxaad muddo ka tirsanaan jirteen Soomaaliya, intaas kadib tiro dambiyo ah ayaa dhacay sax iyo khalad waxay doonaan ha noqdeene’ markaa waxaad bilowdeen inaad noqotaan Somaliland. Waxaad leedihiin waxaannu doonaynaa inaanu xor ahaano. Xukuumaddii Federaalka Soomaaliyana waxay leedahay ‘maya annaga ayaad naga mid tihiin’ markaa sidaad sheegtay waxay noqonaysaa inaad hawlihiina wadataan wax kasta oo ay noqonayso.”