“500 Ee Arday Ee Boorama Naga Jooga Muuse Biixi Iyo Faysal Amnigooda Kama Masuul Ah Ee Waxa Ka Ah Gadabuursi Oo Soomaalinimo Naga Dhaxayso”

Nabadoon reer Garowe ah ayaa ka dhawaajiyay hadal layaab ku noqday Reer Somaliland,waxa uu si cajiib ah uga hadlay Arday 500 tiradoodu kor u dhaafayso oo ka soo jeeda Reer Garoowe oo wax ka barta Jamaacada Camuud kuwaasi oo uu Faysal Cali waraabe tusaale ugu soo qaatay Macaanka nabadgalyadu leedahay iyo saamaynta uu arimaha noocaasi ah ku yeelan karo dagaal beeleedka uu maamulka Puntland ku baaqayo,Waxa uu nabad doonkani si cadho leh hadalkiisa ugu muujiyay sida uu uga xun yahay hadalka Faysal Cali Waraabe waxaana uu reer Boorama ugu baaqay inay difaacaan Ardaydaasi,isaga oo dhinaca kalena carabka ku adkeeyay inay Reer Boorama ku ogyihiin Jacaylka ay u hayaan Midnimo Soomaali weyn.

 

 

Nabadoonka oo ka soo jeeda beelaha Dega Garoowe oo shir jaraa’id oo uu ugu jawaabayo Faysal Cali waraabe ku qabtay Garoowe ayaa waxa uu yidhi“Faysal Waxa uu ku yidhi Reer Boorama Ardayda Reer Garoowe ka joogta Camuud Shan Boqol waa ka badan tahay,Halkaasi waxa degan Reer Layaqaan,oo la yidhaah Gadabuursi oo Soomaali ah,oo ay naga dhexayso Soomaalinimo iyo Wanaag, Carruurtayada waxaanu u soo dirnay inay Garoowe, Gaalkacayo, Boosaamo iyo Boorama skugu mid yihiin, Waxaanu u aadnay oo aanu ubadkayaga u gaynay Waxbarasho,Waxaanu u aadnay Deegaan, waxaanu u aadnay Dhalasho,iyaguna halkan (Puntland) ayay joogaan iyagoo tiro badan,way ka shaqaystaan, Waxbay ka bartaan,waa ay ku nool yihiin, Guriga ay Wiilashayadu joogaan reerahooda waanu naqaan, Iyaga ayay marti u yihiin,iyaga ayay Magan u yihiin, Xagtini haddii ay gaadhana iyaga ayaanu kala xisaabtamaynaa”

 

 

Isagoo la hadlaya Reer Boorama ayaa waxa uu yidhi “Sidaan Carruurtaasi idiinku soo dirnay ayay amaano idiinku yihiin,kuwiina halkan joogaana anaga ayay sidaasi oo kale amaano noogu yihiin,Dad Soomaaliyeed ayaa tihiin waan idin ognahay,Soomaalinimo ayaanu idiinku nimid,anagu Muuse Biixina Carruur umaanu soo dirsan oo waxbarashu umaanu soo doonan,Faysal Cali Waraabena umaanu soo dirsan, Carruurtaasi iyo dadka kale ee Dalka jooga waa martidiina wixii gaadha,geerina waa loo dhashaa,haddii Carruurtu li’tana kuwo ka fiicanba waan qabnaa,laakiin ogaada Faysal Hadalkiisu,inaanu isagu waxba yeeli Karin ee uu rabo inuu gacantiina wax nagu yeelo,arintaasi waxaan leeyahay Reer Boorama ka digtoonaada” ayuu yidhi ninkani odayga ah ee Puntland ka hadlay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker