Trump Oo Ugu Baaqay Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi In Uu Soo Booqdo Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka  Donald Trump ayaa sheegay in uu eegi doono in uu u yeero hoggaamiyaha kuuriyada waqooyi si uu u soo booqdo aqalka cad haddii shirmadaxeedkooda Singapore uu si wanaagsan u dhaco.

Hadalkan ayuu Trump sheegya ka dib markii uu la kulmay ras’iisulwasaaraha Shiinaha Shinzō Abe, kaasi oo ay ka wadahadlayeen shirmadaxeedka soo socda ee hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ee 12 June.

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa waxay u arkaan in Kuuriyada Waqooyi ay iska dhaafto hubka Nukliyeerka, balse Trump ayaa qiray in xaqiijinta arrintaas ay qaadaneyso waqti ka badan hal shirmadaxeed.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker