Shan Askari Oo Kiiniyaan Ah Oo Miino Kula Kacday Xadka Kiiniya Iyo Soomaaliya

Shan askeri oo ka tirsan ciidanka Booliska sida Milteriga u tabaran ee dalka Kenya ayaa miinada dhulka lagu aaso lagu diley halka saddex kalena lagu dhaawacay, kadib markii gaarigii ay wateen miino la kacdey meel ku dhaw xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagaan, maanta oo Arbaca ah.

Guddoomiyaha Gobolka Gaarisa Joshua Chepchieng ayaa sheegay in subaxnimadii maanta oo Arbaca ah qaraxu dhacau, waxaana uu ka dhacay Libooye o ka tirsan Gaarisa, guddoomiyaaha ayaa warbaahinta u xaqiijiyey khasaaraha so gaarey ciidanka Kenya.

Ururka al-Shabaab ayaa la aaminsan yahay in ay ka danbeeyeen qaraxan, waxaana xoojiyeen weerarada ay ka geystaan xadka Kenya iyo Soomaaliya mudadaii lagu jirey bisha Ramadaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker