Madbacadii Qaranka Somaliland Oo Qarka U Saaran Inay Xidhanto, Shaqaalaha Oo Aan Dhawr Bilood Wax Mushahar Ah Qaadan

Madbacada Qaranka Somaliland oo ka mid ah Hay’addaha Madaxa bannaan ee Dawladiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qarka u saaran inay Albaabadu u xidhmaan,waxaana soo food saara duruufo adag oo qalafsan oo gaadhay heer ay Shaqaalihii ka hawlgalayay Waayaan Mushaharkii ay ku shaqaynayeen.

Illo-Wareedyo u dhuun daloola Madbacada Qaranka oo Wargeyska Foore soo gaadhay islamarkaana lagu baahiyay baacadnews ayaa shaaca ka qaaday in bilawgii Xukuumaddan Cusub ay Madbacada Qaranka Somaliland la kawsatay duruufahani islamarkaana arintani ka dhalatay sida loo badinayo dhaqaalihii ay dhinac Xukuumadda ka heli jirtay Madbacadu oo aad hoos ugu dhacay. Wararkan ayaa intaasi ku daray in Wax yaabihii ay Hay’addaha Dawladu ka daabacan jireen ay intoodii badnayd u leexdeen Madbacado kale oo ay Xukuumaddu gacan saar la leedahay waxaanay taasi keentay inay Musalafto Madbacadii Qaranku islamarkaana ay bixin Karin waydo Xiitaa Mushaharkii Shaqaalaha ka hawlgala.

 

 

Madbacada Qaranka Somaliland waxay ka mid tahay Hay’addaha Qaranka ugu Mudan ee u baahan in si gaar ah loo aweedeeyo si ay Qaranka uga kabto adeegga Daabacaada,balse waxa ay u muuqataa innaanay Xukuumaddani Cusubi tixgalinteeda siin.Waxa ay Xukuumaddani Cusubi gacan saar la leedahay Madbacado kale oo daabacadeed kuwaasi oo leexsaday adeeggii Madbacada Qaranku qaban jirtay ama ku shaqayn jirtay ee ay ku shaqaynaysay waxaanay hadda Madbacadii dhamayd ee Qaranku qarka u saaran tahay in Albaabadu u xidhmaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker