Xukuumaddii hore ee Musuqmaasuqa Siilaanyo Oo Booyadihii Gurmadka Abaaraha ee Biyo dhaaminta Ay Qarsadeen Oo La Helay

Booyadihii gurmada Abaaraha ee Biyo dhaaminta ee ay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo soo iibisay ayaa mudo dheer oo ay Xukuumadda Cusub baadi goob ugu jirtay waxa Aakhirkii la sheegay in laga helay Gaydh Cidlo ah oo Magaaladda Hargeysa Galbeedkeeda kuyaala halkaasi oo sida la sheegay lagu khabaystay islamarkaana laga furay Sumadii (No.Plates) dawlada ee ay lahaayeen.

 

Warar lagu kalsoon yahay  ayaa noo xaqiijiyay in Booyadahaasi oo wali jidiid ah islamarkaana lagu ururiyay Gaydh Cidlo ah ay soo ogaadeen dad ay Xukuumaddu u adeegsatay inay la baadi doonaan hantidii Dawladii hore ka tagay gaar ahaan kuwa gacanta dawlada ka maqan dadkaasi oo Xukuumaddan Cusub ka caawiyay inay soo ogaadaan halka ay Booyadahaasi ku sugnaayeen iyo tiradooda,Waxaanay Aakhirkii Booyadahaasi oo Tiradood lagu sheegay illaa Todoba Booyaddood ay dib ugu soo noqdeen Gacanta Dawlada,balse wararkan ayaa intaasi ku daray inaan Wali Kaamboolkii ay ku xeeraysnaayeen Booyadahaasi laga soo qaadin sababo aan la garanayn awgeed.

 

Wararkan ayaa intaasi ku daray in Gaadiidkaasi Booyadaha ah ee ay Xukuumaddii hore u iibisay Biyo dhaaminta iyo Taakulaynta Abaarihii ba’naa ee Dalka ka dhacay sanadadii 2016-kii illaa Bilawgii 2017-Kii ay gacanta ku hayeen Kooxdii Wadaadada u badnaa ee wakhtigaasi ay Xukuumaddii hore u xulatay Gudida Abaaraha kuwaasi oo gacanta ku hayay Agabkii iyo lacagtii bulshada looga qaadhaamay Abaaraha,waxaana gaadiidkaasi la sheegay in laga soo iibiyay lacagtii taborucaadka ahayd ee ay gacanta ku hayeen Gudida Abaaruhu, lamana garanayo sababta ay Halkaasi cidlada ah ee aanay Xukuumaddu ka war hayn ay ugu xereeyeen Gaadiidkaasi. Gaadiidkan ayaa sida la sheegay markii la soo helay waxa ka maqnaa Sumadii Dawlada,lamana garanayo sababta looga furtay iyo in la xadayay toona.

 

Lama garanayo sababta Gaydhkaasi Cidlada ah loogu xereeyay Booyadahaasi iyo waxa looga furay Lambarada Dawlada ee ka lushay balse nin Muwaadin ah oo magaciisa ku sheegay Cabdi Cali Axmed oo Wargeyska Foore soo gaadhsiiyay arintan oo sharaxaya ayaa waxa uu yidhi “Booyadahan Oo ay Xukuumaddii Hore Ee Siilaanyo U Iibisay Gurmadka Abaarihii Kal Hore Dalka Ka Dhacay Ayaa La Soo Helay Iyagoo Xiitaa Laga Furay Lambaradii Dawlada,Waxaana Hadda Gacanta Ku Haysa Dawladda Cusub,Waxa laga soo helay Gaydh wayn oo kuyaala Meel aan ka dheerayn Kaantaroolkii hore ee laga guuray oo galbeedka Magaalada Hargeysa ah,waxaanay wali yaalaan Gaydhkii oo lagama soo qaadin,balse mid ka mid ah ayaa Xeebta loo diray dhawaan oo ka maqan waxaana midhaasi saartay Xukuumadda oo hawl ayaa lagu soo qabanayaa”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker