Wargeyska The Wall Street Journal Oo Warbixin Ka Qoray Halista Kusoo Waajahan Dekadda Iyo Saldhiga Imaaraadka ee Berbera

Waxaa cabsi laga qabaa in dagaalka u dhexeeya dalalka dhaca Bariga Dhexe uu saameyn lixaad leh ku yeesho Dekadaha tayada leh ee ku yaalla Bariga Qaarada madow ee Africa.

 

 

Dekadaha uu saameynta ku yeelankaro dagaalka ayaa waxaa kamid ah Dekadda Berbera, sida lagu sheegay Warbixin lagu daabacay wargeyska The Wall Street Journal.

 

 

Waxa uu qoray wargeyska in Dekada Berbera ay kamid tahay kuwa muhiimka ah ee ku dhow marinka caalamiga ah ee “Canal Suez”, waxa uuna intaa raaciyay in ku dhawaad 260 Mile ay u jirto dalka Yemen. Sida uu qoray The wall street journal.

 

 

Waxa uu qoray Wargeyska in Dekada Berbera ay halboole u tahay isku xirka xuduudaha labada dal Somalia,Yemen iyo dalal kale, sidaa aawgeed ay Dekaddu saameyn xoogan ku yeelan karto xiisada Siyaasadeed ee ka dhex aloosan wadamada Khaliijka ee xiligan ahmiyada siinaaya Dekadaha Somalia.

 

Dekadda Berbera ayuu sheegay wargeyska inay u nuglaan doonto shar iyo kheyrba, maadaama ay xudun u tahay wadamada Khaliijka, isla markaana isticmaala Badda Somalia.

Damaca ugu badan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid dhaqaale, maadaama wadamada Khaliijka ay iminka ku indha furteen Dekadaha dayacan ee Somalia, waxa ayna taasi is ceersi iyo dagaal ka dhex abuuri kartaa dowladaha Khaliijka.

 

 

Sidoo kale, Sacad Cali Shire oo ah Wasiira arrimaha dibadda Jamhuuriyada Somaliland, ayaa isagu rumeysan in Somaliland ay siyaabo kala duwan uga faa’iideysan doonto Dekadda Berbera iyo Dekadaha kale, hase ahaatee ay muhiim tahay in la fahmo in Somaliland ay cagaha la gashay dano Sumeysan oo ka awood badan sida la moodo.

 

 

Waxa uu yiri Wasiirka ‘’Waxaanu dhexda ugu jirnaa dowlado isku haya dano gaara oo saameyn yeelankara sida tartanka u dhexeeya Khaliijka oo u kala qeybsan Sunni iyo shiici’’

 

 

‘’Waxaa sidoo kale jira loolano saameyn nagu yeelan kara  oo u dhexeeya wadamo dhowr ah Mareykanka, Ruushka iyo Turkiga oo siyaabo kala duwan u daneynaaya Dekadaha Africa’’

 

 

Sidoo kale, wadamada Khaliijka, Mareykanka, Ruushka, Qadar iyo Turkiga ayaa ku loolamaaya Xeebta Waqooyiga Geeska  Africa oo u dhow wadanka Yemen.

 

 

Dhinaca kale, Saldhiga Imaaraadka ee Berbera ayaa laga cabsi qabaa xitaa inay isticmaalan ciidamo iyo diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Sacuudiga iyo wadamo kale oo ka tirsan Khaliijka.

https://www.wsj.com/articles/global-powers-race-for-position-in-horn-of-africa-1527861768

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker