Idaacada Radio Hargaysa Oo Fadhida Muddo Ku Dhow Bil ..

Idaacadii waynayd ee Radio Hargaysa ayaa  fadhida muddo ku dhow soddon maalmood xilli dalku galay xaalad dagaal oo u dhaxaysa Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland oo kaashanaya maamulka Muqdisho waxaa guud aanba aan mudadaasi la maqal idaacadaasi oo qayb la xaadle ka qaadanaysay dhiiri-gallinta Ciidamada kala duwan ee Somaliland gaar ahaan kuwa ku sugan jiida hore.

 

Dhinaca kale waxay idaacadu kicin jirtay dareenka bulshada waxaanay shacabku garab siin jireen Ciidankooda.

Idaacadaha ayaa ka mid ah aaladaha hubeed ee ugu culus ee loo adeegsaddo dagaalada iyada oo laga Faafiyo waxii guul iyo Borobogaado ah.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo  sheegay in  Idaacadu u fadhido dhanka dabka, Geesta kale waxaa fadhida Fm-tii Magaalada Ceerigaabo laga dhagaysan jiray.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker