Xukuumadda Somaliland Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqday Inay Awoodeeda Siyaasadeed U Isticmaasho Xaalada Tuko-raq

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay Beesha Caalamku xogogaal u tahay kana dharagsan tahay xaalada ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan dagaaladii dhexmaray Somaliland iyo Puntland, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay si toos ah u soo gasho arinkan, oo awoodooda dhaqaale iyo awoodooda siyaasadeedba u isticmaasho.

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shireย ย ayaa sidoo kale wuxuu baaq waano ah u diray bulshada reer Sool. Wasiir Sacad wuxuu isagoo ka hadlaya mawqifka Somaliland uu yidhi โ€œInagu waxaynu nahay umad nabadeed, waxaanu jecel nahay inaynu nabad kula noolaano jaarkeena oo dhan, waana nasiib daro iyadoo ay tahay bil Ramadaan in dagaalo iyo weerar is daba joog ah, oo gardaro ah in la inagu soo qaado, inagu dagaal ma wadno, oo waxaanu doonaynaa in wixii inaga dhexeeya inaynu wada hadal ku dhamaysano, oo dadka loo tudho, dadkeenu horumar bay u baahan yihiin, ee xabad uma baahna,dadka dabka hurinayaย  waxaanu ugu baaqaynaa inay qaska iyo faragalinta naga dayaan, oo ay ixtiraaman bisha Ramadaanโ€.

 

 

Wasiir Sacad mar uu baaq u diraayeyย  dadka Gobolka Sool ayaa yidhi โ€œArinkaniย  arin la reereeyo maaha, Somaliland xad caalamiya ayey leedahay, xadkaas caalamiga ah reero badan baa ku nool, waliigoodna wey ku noolan jireen, laakiin dad leh ujeedooyin siyaasadeed ayaa doonaya inay reernimada u soo maraan, waxaanu ugu baaqaynaa dadka reer Sool ee la galinayo dabka iyo dhibaatada in aanay u dheg taagin baaqyada reeraysan ee ay wadaan dadka doonaya inay qas iyo nabadgalyo daro kaย  dhex dhaliyaan deegaanka iyo dalkaba, dagaalkuna waa dab ee wax buu burburiyaa ee waxba ma dhiso, marka waxa loo baahan yahay in dadku meel uga soo wada jeedaan bari, galbeed, koonfur iyo waqooyiba wixii kala qaybinaya, ee qas iyo dhibaato u keenayaโ€.

 

 

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Puntland iyo Somaliya ayaa yidhi โ€œPuntland iyo Somaliyaba waxaanu ugu baaqaynaa inay gardarada inaga joojiyaan, oo colaada iyo xumaanto wax aan kala fogaansho iyo xumaan ahayn ma keenayso, qof kasta oo dab huriya, dabku isaguun buu ku soo noqdaa, iyana uma baahna, inana uma baahnin, waxaanu ugu baaqaynaa Puntland iyo Somaliyaba inay joojiyaan abaabulka iyo muusanoowga ay wadaan, oo xabada joojiyaan, wixii tabasho ah ee jirina wada hadal ha ka bilaaban, ramadaantana xushmeeyaan, dadka soomana aanay bad galinโ€.

 

 

Mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka iyo waxay ka goโ€™tay dagaalkan ayaa yidhi โ€œBeesha Caalamku aad bay uga dharagsan tahay, arinka ka taagan jiida, cida gardaran iyo cida garta lehba, si fiican bay uga dharagsan yihiin, iyagana waxaanu ugu baaqaynaa inay isticlaaman awoodooda, sidii gardaradaasi isku taagi lahayd, gaar ahaan awoodooda siyaasadeed iyo awoodoodaba dhaqaalaba, waxaana xaqiiqo ah in aanay marnaba Somaliland wax gardaro ah wadin, xad ay ku xad gudubtayna aanu jirin, ee cida gardarada iyo xad gudubka wada waa la garanayaaโ€.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker