Dawlada Qatar oo Ka mid Noqotay Dawladaha Sida wayn Somalia uga Tacsiyadeeyay Weerarkii Habeen Hore ee Hotel SYL
Muqdisho (OWN) – Dowladda Qatar ayaa Maanta oo Arbaco ah Cambaareysay Weerarkii ay Al-Shabaab Xalay ku qaadeen Hotel SYL oo ku yaalo Agagaarka madaxtooyada Villa Somalia kaasoo ay ku dhinteen dad badan kuwa kalana ay ku dhaawacmeyn.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa mar kale ku celisay sida ay uga xun tahay falalka guracan ee ay Argagixisadu sameenayaan iyadoo aan la fiirineyn natiijada xun ee ka dhalaneysa.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa Tacsi usoo dirtay ehelada ay dhibaatada soo gaartay, Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed iyadoo Alle uga barisay inuu caafimaad deg deg ah siiyo kuwa ku dhaawacmay.
Al-Shabaab ayaa Xalay weerar culus ku qaaday Hotel SYL oo ay dagan yihiin madaxda Dowladda Soomaaliya, wuxuuna Hotelkaas ku yaalaa meel amnigeeda aad loo ilaaliyo iyadoo weli la iswaydiinayo sida ay ugu suurtagashay inay Al-Shabaab soo weeraraan.