Geesi La Gartay: Cabdiqani Xuseen Xasan (Cabdi Geesi)

Cabdiqani Xuseen Xasan, waa 16 jir naftiisa halis u geliyey si uu daad uga badaadiyo laba carruura iyo hooyadood, halka laba kalena ay ku geeriyoodeen masiibadii daadkii balliga Qudhac-dheer.

 

Cabdiqani ayaa billad-geesi lagu hor guddoonsiiyey boqaal arday oo ka wax barta dugsiga Qudhac-dheer oo uu ka mid yahay ardayda wax ka barata.

 

Waxa aan u mahadcelinayaa oo hawsha billadda i la agaasimay Aniisa Sabaax, Cabdirisaaq Cisman Fadal iyo Mahad Abdule oo isagu qaybtii hore ee agaasimka na yar daahay, hasayeeshee xagga dambe naga soo gaadhay.
Waxa kale oo aan iyagana u mahadcelinayaa Mohamed H. Dirir oo qaabilsanaa agaasimka hawsha ee gudaha iyo Khaalid Foodhaadhi oo diyaariyey warbixin qiimo badan oo uu ka sameeyey billad guddoonsiinta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker