Raysal Wasaarihii dalka Spain Mariano Rajoy Oo Maanta Xilka Laga Xayuubiyey

Madrid(OWN)- Raysal Wasaarihii dalka Spain Mariano Rajoy ayaa maanta oo Jimce ah xilka laga xayuubiyey kadib markii looga guuleystay codka kalsoonida uu Baarlamaanka dalkaasi u qaaday.

 

Mariano Rajoy ayaa bilihii lasoo dhaafay la tacaalayey xiisado siyaasadeed oo ay kamid yihiin eedeynmo musuq maasuq oo xukuumadiisa loo soo jeediyey iyo waliba kacdoonkii gooni-u-goosadka ah ee ka socday gobalka Catalonia oo uu gacan adag ku qabtay.

 

 

Mooshinkii xil ka qaadista ee saaka oo Jimce ah loo qaaday ayaa waxaa codkooda ku taageeray 180 xildhibaan, halka ay diideen 169, waxaana ka aamusay 1 xildhibaan oo kaliya. Kongareeska dalkaasi ayaa ka kooban 350 xildhibaan oo ka kala tirsan xisbiyo kala duwan.

 

 

Raysalwasaaraha cusub ayaa loo doortay Pedro Sanchez oo isagu sheegay inuu xilka sii heyn doono illaa laga gaadhayo doorashada Baarlamaanka ee 2020.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker