“Gobollada Saaxil Iyo Awdal 10 Kun Oo Qoys ayaanu Raashin U Qaybinay, Guddoomiye Ku Xigeenka Hay’adda ka hortagga Masiibooyinka Faysal Aw-Jaamac

aynaba (OWN)- Guddoomiye ku-xigeenka  Hay’adda  ka hor tagga Masiibooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Aw-Jaamac Xiris,ayaa sheegay in hay’addoodu gobolada bari iyo galbeed ee dalkaba in ay ka bilawday qaybinta raashin  loogu talo galay inla ghaadhsiiyo dadkii duufaantu ku dhufatay ee gobolada galbeedka Somaliland iyo dadkii baro kacayaasha ahaa ee xooluhu kabexeen eek u noolaa gobolada bari ee dalka gaar ahaan  Saraar iyo Sooloo uu sheegay in ay aad u jilicsan yihiin xilliga ramadaantana ay u baahan yihiin raashin ay ku noolaadaan.

 

 

Guddoomiye ku-xigeenka oo isagoo ku sugan magaalada Caynaba ee Xarunta gobolka Saraar khadka taleefanka ugu warramay wargayska  Dawan,waxaa uu sheegay in ay laba kun oo qoys gobolka Saraan in ay raashin u qaybiyeen oo ay qoys kasta siiyeen 7  nooc oo ka mid ah raashin ah waxaanu intaa ku daray  in ay gobolada Selel iyo Awdal in ay ka qaybiyeen raashin kan oo kale isla markaana ay raashin siiyeen toban kun oo qoys.

 

Waxaanu intaa ku daray in raashinkan uu ku deeqay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis soona mariyay Hay’adda gargaarka dalalka Islaamka isla markaana uu ku yimi dedaal Xukuumadda Somaliland ugu jirto in ay dadkeeda kaalmo gaadhsiiso ugana doonto dalalka ay saaxiibka yihiin wixii awoodeeda ka baxsan.

 

“waxaanu ku qaybinay gobolka Saraar raashin aanu gaadhsiinay 2 kun oo qoys oo aanu siinay 7 nooc oo raashin ah, oo isugu jira Bariis,daqiiq, baasto Timir Biinis,Caano iyo Sonkor waana raashin ku filan ugu yaraan  bisha Ramadaan waxaa kale oo aanu raashin qaybin ka bilaabaynaa  degmada Taleex iyo Tukaraq oo ay joogaan dad badan  oo abaartii dalka ka dhacday xoolihii ay ka qaaday markaa halkaana waxaa  noo qorshaysan in aanu illaa 2500 laba kun iyo shan boqol oo qoys in aanu ku siino raashin,waxaanan aad iyo aad ugu mahad naqaynaa wakiilka ka socda boqorka Sucuudiga ee halkan(Caynaba) nala jooga oo illaa Xuddun  nala socday.”

 

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayay raashin kale oo ay gobolada galbeedka ku qaybiyeen,ayaa yidhi. “goboladii duufaantu ku dhufatay ee gobolada  Awdal,Selal iyo Saaxil waxaanu ku qaybinay raashin  aanu siinay 10 kun oo qoys oo ah qoysayskii duufaantii gobolada galbeedka dalka ku dhufatay ay saamaysay  isku mar ayaanan qaybinta ka bilawnay gobolada galbeed iyo bari, waana dedaal xukuumaddu ku quudinayso dadkeeda jilicsan meelkasta ha joogaane.”

Xigasho Wargeyska Dawan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker