Al-Qacida Oo Maanta Digniin U Dirtay Mohamed Bin Salmaan-ka Sacuudiga ” Wuxuu doonayaa inuu Masaajidada ku bedalo Shaneemooyin ..”

Kooxda Al Qacida ee fadhigeedu yahay Yemen ee loo yaqaan AQAP ayaa qoraal ay maanta oo Jimce ah shaacisay ku sheegtay in Mohamed Bin Salman uu dhaqan-rogayo wadanka Sacuudiga iyagoo uga digay danbiga ay sheegeen inuu ka galayo diinta Islaamka.

 

 

“…Wuxuu doonayaa inuu Masaajidada ku bedalo Shaneemooyin, isla markaana uu dalka Sacuudiga u fasaxo kuwa aan diinta heysan ee looga kala yeeray daafaha caalamka…” ayaa lagu yidhi qoraalkan kooxdan xagjirka ah ku cambaareysay isbedalada uu Dhaxal-sugaha Sacuudiga xiligan wado.

 

 

Waxay kooxdan si gaar ah u cambaareysay Maaweelada Musaaracada Maraykanka ee loo yaqaan WWE oo bishii April lagu qabtay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

 

 

“…Rag waa weyn oo cawradooda muuqato oo gaalo ah ayuu ogolaaday inay usoo daawasho tagaan kumanaan shacab Muslimiin ah oo isugu jira haween iyo rag….”ayey yiraaheen kooxdan oo sheegtay in Maxamed Bin Salmaan diinta gef u geystay.

 

 

Kooxda AQAP ayaa muddo dheer ka dagaalmeysa koonfurta dalka Yemen, halkaasi oo ay si joogto ah uga dhacaan duqeynta Maraykanka iyo xulafadiisa, kooxdaasi oo lagu tilaamo inay tahay faraca Al Qacida ee ugu halista badan ayaa laftooda lagu eedeeyaa daadinta dhiiga shacab badan oo reer Yemen ah.

 

 

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay inuu sanadkan isbedalo badan ka sameyn doono dalka Sacuudiga, isagoo sheegay in bishan June haweenka dalkaasi markii ugu horeysay loo ogolaan doono inay gaadiidka gacantooda ku kaxeystaan, wuxuu kaloo laalay sharuuc horey dalkaasi looga mamnuucayey shaneemooyinka iyo goobaha kale ee maaweelada.

 

 

http://www.dailystar.com.lb/News/Middle-East/2018/Jun-01/451594-al-qaeda-warns-saudi-crown-prince-over-sin.ashx

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker