Nin Somali Ah Oo Axadii Lagu Dilay Magaalada Ottawa Ee Dalka Canada

OTTAWA(OWN)- Magaalada Ottawa ee caasimadda dalka Canada waxaa habeenkii Axadda   lagu dilay C/fataax Cismaan iyada oo sidoo kale lagu dhaawacay Haweeney kale.

 

 

Booliska Magaalada Ottawa ayaa sheegay in toogasho laba jeer kala ahayd ay ka dhacday Koofurta Ottawa halkaasna uu ku dhintay C/fitaax Cismaan oo Soomaali ahaa iyo Haweeney kale .

 

Maxamed Barre oo ay isku xaafad ahaayeen Ninka la dilay ayaa Booliska u sheegay in C/fitaax oo ka mid ahaa dadka degganaa Bariga Magaalada Ottawa islamarkaana uu gurigiisa ku soo koray isaga.

 

Haweeneyda la toogtay ayaa iyana rasaasta uga dhacday Miskaha, waxaana la geeyay Isbitaalka weyn ee Ottawa halkaas oo la filaayo in xabbadda looga saaro.

 

Boolisku waxaa ay sheegeen in weerarkan uu yahay kii saddexaad ee Todobaadkan dhaca iyo kii 13-aad ee Sanadkan ka dhaca Magaalada.

 

http://ottawacitizen.com/news/local-news/he-always-put-other-people-first-homicide-victim-remembered-as-caring-father-friend

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker