DAAWO Puntland Oo Iclaamiyay Inuu Sii Socon Doono Dagaalka Tuke-raq

Guddiga difaaca Puntland ayaa kulan ay yeesheen kasoo saaray hadal ku aadan xaaladda deegaanada Gobolka Sool ee uu dagaalku ka socdo.

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda ahna Afhayeenka Xukuumadda Puntland Cabdullahi Quran’jecel ayaa sheegay in aanay jirin cid ay wada xaajood kala galayaan xoreynta deegaanada Gobolka Sool.

Qur’aan Jecel waxaa uu xusay in aanay jirin wada hadal ay dowladda Faderalka Soomaaliya kala galayso dhulka Puntland.

Gudigu waxay bulshada Puntland gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanadda Gobolka Sool ku booriyeen in ay garab istagaan Ciidanka Difaaca Puntland ,si looga guul gaaro xoreynta dhulka ay haysato Somaliland.

Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay isku hor fadhiyaan deegaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, halkaasi oo labada ciidan muddo ay ku dagaalamayeen.

Maamulka Puntland ayaa tan iyo markii bilowday dagaalka Tukaraq waxa ay Warbaahinta ka sheegayeen hadalo kala duwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker