Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Wiil 14 Jir oo Lagu Qabtay Dagaalkii Tukaraq Hooyadii Lagu Wareejiyey
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in wiil 14 Sano jir ah ay hooyadii ku wareejiyeen kaasi oo ka mid ahaa ciidamada Puntland, islamarkaana lagu qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil ayaa isaga oo saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in wiilkan lagu soo qalday dagaallada, islamarkaan ay sii daayeen.
Waxa uu sheegay taliyaha in wiilkan ay la wareegtay hooyadii oo lagu magacaabo Sacdiya Cabdi Maxamuud.
Dhanka kale, taliye Nuux ayaa sheegay in ay jiraan carruur badan oo ka mid ah ciidmada Puntland iyo rag waayeello ah, balse ay sii deyn doonaan haddii ay qabtaan.
Dhanka Puntland wax war ah kama aanay soo saarin waxa ka jira in ciidankoodu ka mid yihiin carruur aan qaan gaadhin.
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray dagaallo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland kuwaasi oo ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil