Wasiirka Maaliyada Somalia oo markii ugu horreysay ka hadlay Musuq maasuqa Lagu Eeedeeyay

Muqdisho (OWN) – Iyadoo muddooyinkii dambe la’isla dhexmarayay in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu ka dhisanayo guryo fara badan gudaha iyo dibadaba ayaa waxa arrintaasi markii ugu horreysay ka hadlay Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiirka oo la hadlay mid ka mid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa qiray in ay jiraan guryo badan oo uu leeyahay iyo kuwa kale uu hadda dhisanayo.

Mr Beyle ayaa sheegay in markii uu ku soo laabtay dalka uu magaalada Muqdisho ka dhistay guri cusub, si uu ugu noolaado.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in guri qurux badan oo uu dhisayay muddo 10 sano uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxaana uu xusay in haatan la soo gabagabeeyay dhismaha gurigaasi.

 

Wasiirka Maaliyadda ayaa intaasi ku daray in guri kale oo weyn uu ku leeyahay dalka Mareykanka, gaar ahaan magaalada ay Soomaalida ku badan tahay ee Minneapolis.

Belye waxa uu iska fogeeyay in dhammaaan Lacagtaasi ay ku soo gashay qaab masuq-maasuq ah, balse waxaa uu xusay inuu shaqeystay 30 kii sano ee la soo dhaafay, islamarkaana uu qabtay howlo kala duwan, kuna sameystay Hantidaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii dambe ay soo baxayeen dhaliilo iyo eedeymo ka dhan ah maamulka Maaliyadda oo loo jeedinayay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso codka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii dambe ay soo baxayeen dhaliilo iyo eedeymo ka dhan ah maamulka Maaliyadda oo loo jeedinayay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker