Haweenaydii ugu horeysay Somalida ee Ka mid noqotay Barlaamaanka Norway

Haweenaydan oo lagu magacaabo Marayn Cabdi Xuseen, ayaa sheegtay in ay siyaasadda u gashay duruufo haysta bulshada ay ka dhalatay iyo guud ahaanba shacabka dalkaas oo ay rumaysan tahay in ay wax ka qaban karto hadda, oo ay ku guulaysatay in ay ka mid noqoto baarlamaanka oo ah madasha lagu gorfeeyo siyaasadda dalkaas.

Balse Marayn waxay tilmaamtay in dadka soo doortay aysan ahayn Soomaali oo kaliya. Waxayna intaa ku dartay in Xisbiga ay ka tirsan tahay ay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas ay aad u tageereen.

Sidoo kale waxay sheegtay in dadka soo galootiga ah ay dalka Norway kala kulmaan dhibaatooyin isugu jira cunsuriyad, sinaan la’aan iyo arrimaha sharciga kuwaas oo sida ay sheegtay ka mid ah waxyaabaha ku riixay in siyaasadda soo gasho.

Xisbiga Hanti-wadaagga oo ay ka tirsantahay Maryam, ayaa ah mid ka shaqeeya inta badan arrimaha sinaanta iyo bay’ada.

Maryam Cabdi
MARYA CABDI

“Runa ahaantii waxaa igu dhaliyay baahi aan arkay in bulshadeena u qabto sinaanta iyo in waddankaan aan ku noolnahay aan ka muuqano,” ayay tiri Maryam Cabdi Xuseen, oo BBC-da u warrantay.

Mar wax laga waydiyay xildhibaanad Maryam, maadama ay tahay haweenay Muslimad ah oo Xijaaban in mararka qaar ay la kulmi karto caqabad iyo waxa ay filanayso, waxay ku jawaabtay “in aysan hadda jirin wax sharciyan hor istaagaya xijaabkeeda iyo diinteeda” maadama sida ay tilmaantay in dalkaas Norway cid walba lagu qiimeeyo waxyaabaha sida gaarka ah ay u leedahay.

Dad badan oo Soomaali ah oo isugu jira siyaasiin aqoonyahanno iyo dad kale oo isticmaala baraha bulshada ayaa Maryam ugu hambalyeeyay guusha ay gaartay.

Waxaa ka mid ah siyaasiinta hambalyada u diray Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali khayre, oo muddo badan ku noolaa dalka Norway oo ay hadda Maryam ka mid noqtay baarlamaankiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker