Mulkiilaha Shirkadda Facebook Oo Balanqaaday ilaalinta Macluumaadka Macaamiisha

Madaxa shirkadda Facebook ayaa u balanqaaday baarlamaanka midowga Yurub in shirkadda ay wax waliba oo kalaankeeda ah samayn doonto si looga hortago in la fara galiyo doorashooyiinka.

Mark Zuckerberg ayaa sheegay in mudnanta shirkadda facebook ay tahay in la xaqiijiyo in aan galangal lagu yeelan doorashooyiinka dimuqraadiyadeed.

Mr Zuckerberg ayaa sheegay in shirkada Facebook ay xirayso cinwaanada been abuurka ah iyo wararka been abuurka ah ee lagu baahiyiyo bartaasi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shirkadda ay kordhinayso hufnaanta dhanka arrimaha xayiisiinta.

Madaxa shirkadda Facebook Mark Zuckerberg ayaa raali galin ka bixiyay dusintii la dusiyay macluumaadka qaar ka mid ah dadka adeegsada bartaasi.

Waxaa uu sheegay in shirkadda Facebook ay qaaday tallaabooyiin looga hortagayo dhacdooyiin kale ka dib fadeexaddii shirkadda Cambridge Analytica.

Balse qaar ka mid ah hogaamiyayaasha siyaasada ayaa caro ka muujiyay in Mr Zuckerberg uusan ka jawaabin su’aalahooda.

Mid ka mid ah siyaasiyiintan ayaa BBC u sheegay in ay Facebook ka dalban doonaan in ay dhab u qaataan xeerarka loo baahan yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker