Tirada Dhimashada Duufaan ka dhacaday Gobolada Awdal iyo Salale

Lughaya (OWN) – Todobaadyadii lasoo dhaafay, duufaantii Sagar ayaa saameyn ba’an ku yeelatay gobollada Awdal iyo Salaal, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada 43 qof iyo 10 qof oo wali la waayay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Guddoomiyaha gobolka Awdal, Abdirahman Axmed Cali, ayaa sheegay in dhimashadu ka dhacday degmooyinka Baki, Lughaya, iyo Gargaara. Maydka dadkii dhintay ayaa laga helay dooxooyinka kadib markii biyihii fatahaadku qaadeen. Waxaa la rumeysan yahay in dad kale ay ku dhintaan dhismayaal dhacay, hase yeeshee tiradaas lama xaqiijin.

Gargaara, oo 20 km koonfur kaga beegan Lughaya, ayaa ahayd meesha ugu daran. Ku dhawaad 800 guri ayaa burburay, sida uu sheegay sarkaalka deegaanka Cabdullaahi Cali Nuur oo la hadlay Warbaahinta Oodweynenews. Wuxuu sheegay in dadka deegaanka aysan meel fog u guurin, balse ay ku joogan dhul sare oo Gargaara ah iyaga oo u baahan hoy degdeg ah.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in dhamaan wadooyinka isku xidhaya Lughaya, Abdi-Geedi, iyo Cela-helay ay fatahaaduhu ka dhigeen kuwo aan la mari karin. Taasi waxay caqabad ku noqotay gaadhsiinta gargaar bulshada ku dhibaataysan, halka helitaanka gargaarka ugu weyn uu ku xaddidan yahay diyaaradaha.

Warbixin ka soo baxday dowladda Somaliland 21 May ayaa lagu sheegay in qiyaastii 669,000 qof ay ka barakaceen gobollada Awdal iyo Salaal. Dadkan ayaa la ildaran cunto la’aan, hoy la’aan, iyo daryeel caafimaad, waxayna lumiyeen ilaa 80% xoolahoodii. Sarkaalka Cabdullaahi ayaa sheegay in 9,000 qoys la diiwaan geliyay Lughaya iyo Gargaara, diiwaangelintaasina ay socon doonto maalin kasta iyadoo tirakoobyada lala wadaagi doono hay’adaha dowladda iyo kuwa bini’aadantinimo.

Inta badan 33 dugsi oo gobolka ku yaallay ayaa burburay ama saqafkooda ayaa waxyeeloobay, iyadoo 25,000 caruur ah oo dhigta dugsi ay saameyntu gaartey.

Warbaahinta OWN oo lah hadlay, Xuseen Elmi Warsame oo deggan tuulada Kurure ee Lughaya. Wuxuu sheegay inuu isku dayay inuu ka hortago saameynta duufaanta isagoo dhageystay digniinta hore iyo talooyinka ka soo baxay warbaahinta.

“Waxaan soo ururiyay alwaax iyo laamood si aan u xoojiyo hoygii xoolahayga maadaama uusan jirin bacaha balaastikada. Waxaan sidoo kale wargeliyay deriskayga iyo dadkii igu dhow, waxaan wacay ku dhawaad 15 qof oo aan fariinta ku gaadhsiiyay,” ayuu yidhi Xuseen.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay inuu daahay oo aanu ku filnayn inuu badbaadiyo xoolahiisa. Markii roobku istaagay ayuu u tegay magaalada si uu u soo iibsado bacaha balaastikada, laakiin markii uu soo laabtay waxaa ka harsan kaliya 25 xoolo oo ka mid ahaa 35-kii ahaa.

Mukhtaar Ismaacii Cali

Lughaya /Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker