Nin Muslim Ah Oo Dalka India Loo Dilay Neef Lo’ ah Oo Uu Gawracay

Nin muslim ah oo ay da’idiisu dhexdhexaad tahay oo saxibbadii la socda xilli habeennima ah ayaa waxaa soo weerarary nin hinduu ah oo budh sitay.

 

 

Wuxuuna la dhacay ninki muslimka ahaa budhki uu sitay ilaa ay nafta ka baxdo, Mid ka mid ah ninka dhintay saaxibkii oo uu dhaawac culus halkaa ka soo gaadhay ayaa yaalla Isbitaal.

 

 

Weerarkaasi ayaa wuxuu abuuray cadho aad u weyn maadaamaa ninkaasi muslimka ah uu naftiisa ku waayey sac uu dilay.

Waxayna diideen qoyska ninka dhintay inuu wax khalad ah sameynin, ninka dhaawacmayna waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu sac uu gawracay.

 

 

Lo’da ayaa si weyn looga xurmeeyaa Gobolka Madhya Pradesh si la mid ah gobollo badan oo ka mid ah dalka iyada oo dalka Indiyana ay sharci darro ka tahay in lo’ la dilo.

Muslimiinta dalka India oo lo’da siyaaba kala duwan u isticmaasho ayaa marar badan dhibaatooyin kala kulmo dadka hinduuga ah.

 

 

Booliska gobolka Madhya Paradesh ayaa heegan la geliyey iyada oo aad looga cabsi qabo iney muslimiinta iyo Hinduuga iska hor keento iyada oo hadda ka hor ay iska horimaadyo ka dhashay arrima noocan ah ay dad badan ku dhinteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker