Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Uu Hogaaminayo Safiirka Maraykanka U Qaabilsan Arrimaha Soomaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Maraykanka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Martin Dale oo hoggaaminayey wefti balaadhan.

Kulankaas waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo qodobo dhoora oo ay ka mid ahaayeen, iskaashiga, gargaarka, waxtarka, mucaawimada, dhaqaalaha, iyo Aminiga, waxaana la isla meel dhigay dhammaan qodabadaasi sidii loo hirgelin lahaa loogana midho dhalan lahaa wakhtiga ku haboon uguna dhakhsaha badan.

Madaxweynaha waxa kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker