Diintuba Waa Salaad Q1aad W/Q: Cabdirisaaq Darwiish
Waxaan kasoo Tarjumay kitaabka الدين هو الصلاه Ee uu Qorey: فريد الاانصاري
Salaadu Waa Tiirka 2aad Ee seeska Islaamka Sidoo kale Camal la qabto Waxa ugu Qiimo badan waa Salaada.
Halkaas ayaa laga soo dhiraan-dhiriyey Qaacidada Tidhaahda (من لا صلاه له فلا دين له). Qof aan salaadin Waa qof aan diin lahayn.
Salaadu waxay kamid Tahay u jeedooyinkii Eebe Weyne iyada darteed uu u uumay Aadmiga Iyo Jinka, Taasi waa biyo kama dhabcaan waxaana Tusaya xaqiiqooyin qur’aan oo aad u waaweyn.
Dunidu idil ahaanteed Waxay ku socotaa Oogida cibaadada Eebe weyne iyadoo u rukuucaysa, u sujuudaysa Allaha Awooda badan Ee Kaliga ah:
(الم تر ان الله يسحد له من في السموات و من في الارض ولشمس والقمر والنجوم والجبال والشجر والدواب وكثير حق عليه العداب ومن يهن الله فماله من مكرم ان الله يفعل مايشاء)
Markale ayaa eebe weyne yidhi: Uma uumin Jinka iyo Insiga inay i caabudaan mooyee Wax Kale.وماخلقت الجن والانس الا ليعبدون .
Haa Wax kale maahee Waa salaada, Cibaadadu Waa Faham balaadhan oo Wax koobaya Hayeeshee Salaada ayaa ka koobid badan.
Salaada Adoonku wuxu noqonayaa Mid ku caabudaya Eebe weyne Shay kasta, salaad la’aan Adoonku Ma noqonayo mid alle caabuda Waxaaba laga yaabaa inu noqdo Gaal ama Caasi shayskasta oo uu sameeyo, Sidaa awgeed ayaa Salaad la’aantu Tahay Waxa ugu horeeya ee ay gaaladu nafahooda ka sheegayaan marka la cadaabayo Eebe ha inaga Badbaadiyee
) ما سلككم في سقر ، قالو لم نك من المصلين ، ولم نك نطعم المسكين ، وكنا نخوض مع الخاءيضين ، حتي اتنا يقين ،فما تنفعهم شفعه شافعين )
Waxay Sheegteen Dambi la galo inu u weyn yahay Eebe oo Wax lala wadaajiyo iyo Gaalnimo, Inkastoo Arintaa ay ka dhalanayso in laga gaaloobo Isa-soosaarka qiyaame, Alle wuxu ka dhigay Wixii ugu dambeeyey Ee uu aayada ku sheego, Waxaanu inoo soo Hormariyey Dayacaada Camalada Suuban oo ay ugu Sareyso Salaadu, Sidaa daraadeed ayaa kuwii la cadaabayey Hadaladoodii Waxay ku sheegeen Waxay ku Badbaadi lahaayeen inay Tahay Cibaadada Ilaahay Ee Salaada iyo Wixii Kale Ee soo Raaca Ee camal ah, Intaa kadib waxay heleen kuwo Caasiyiin muslimiin ah iyo Dambiilayaal Kuwaas oo ay kula kulmeen Naarta dhexdeeda alle ha inaga badbaadiyee Sababtuna Waa ka tagitaankii Salaada, Kagamana badbaadaysid Rumaynta bilaa camalka ahi Eebe Weyne Cadaabkii.
Markii Eebe Weyne Dhaliilay Aadmiga una balanqaaday Cadaabkiisa Holaca badan Wuxu kasoo Reebay Koox Dadka kamid ah Kuwaas oo Uu Cadaabkiisa Sababta uu uga badbaadiyey ay Tahay Arin muhiima oo ah Salaada sidaa Awgeed ayaa alle yidhi:
ان الانسن خلق هلوعا، اذ مسه الشر جزوادعا، واذ مسه الخير منوعا ، الا المسلين )